• Home  
  • Afar Qof oo Ku Dhintay Weerarro Drone ah oo Ka Dhacay Waqooyiga Kordofan ee Suudaan.
- WARARKA

Afar Qof oo Ku Dhintay Weerarro Drone ah oo Ka Dhacay Waqooyiga Kordofan ee Suudaan.

Duqeymo ay RSF ku beegsatay aas iyo xarun shidaal oo ku taalla El-Obeid ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo hay’adaha caafimaadku ka digeen in khasaaruhu sii kordhi karo. Sudan: Wararka ka imanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen, halka 12 kalena ay ku dhaawacmeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan […]

Duqeymo ay RSF ku beegsatay aas iyo xarun shidaal oo ku taalla El-Obeid ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo hay’adaha caafimaadku ka digeen in khasaaruhu sii kordhi karo.

Sudan: Wararka ka imanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen, halka 12 kalena ay ku dhaawacmeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone-yada), kuwaas oo lagu qaaday goobo rayid ah oo ku yaalla gobolka Waqooyiga Kordofan.

Sida ay sheegeen dhakhaatiirta ku mideysan Sudan Doctors Network, weerarradan ayaa waxaa fuliyay ciidamada gurmadka degdegga ah ee loo yaqaan RSF (Rapid Support Forces). Weerarradu waxay ka dhaceen magaalada El-Obeid, oo ah xarunta gobolka Waqooyiga Kordofan.

Mid ka mid ah weerarrada ugu khasaaraha badan ayaa lagu qaaday qabuuraha Dalil xilli ay halkaasi ka socotay aas loo sameynayay dad geeriyooday. Weerarkaasi ayaa sababay dhimashada afar qof oo ka mid ahaa dadkii ka qeybgalayay aaska, halka toddobo qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, diyaaradaha drone-ka ayaa weeraray xarun shidaal oo ku taalla magaalada El-Obeid. Weerarkaas ayaa sababay dhaawac culus oo soo gaaray shan qof. Ilo caafimaad ayaa sheegay in tirada dhaawacyada iyo khasaaraha guud ay sii kordhi karto maadaama weerarradu ay weli khatar ku yihiin shacabka iyo adeegyada muhiimka ah ee magaalada.

Dhacdo kale oo la xiriirta weerarradan ayaa lagu dilay darawal gaari xamuul ah oo siday raashin iyo agab nololeed. Gaariga ayaa lagu weeraray deegaanka Jabal Kordofan, waxaana la sheegay in uu ku sii jeeday goobo ay shacabka u baahan yihiin gargaar iyo sahay muhiim ah.

Sudan Doctors Network ayaa si adag u cambaareysay weerarradan, iyadoo ku tilmaantay kuwo si toos ah loogu beegsanayo shacabka rayidka ah iyo kaabeyaasha adeegyada bulshada. Ururku wuxuu sheegay in duqeymaha noocan oo kale ah ay si isdaba joog ah uga socdeen magaalada El-Obeid muddo ka badan toddobaad.

Sidoo kale, ururka ayaa xusay in bartilmaameedsiga dadka rayidka ah, xarumaha adeegyada iyo gaadiidka sida cunnada iyo sahayda kale ay ka hor imaanayaan shuruucda caalamiga ah ee bani’aadannimada iyo xeerarka dagaallada.

Dhanka kale, ururka ayaa mas’uuliyadda weerarradan dusha ka saaray hoggaanka ciidamada RSF, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu difaacayo shacabka iyo lagu joojinayo weerarrada sii hurinaya xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta magaalada El-Obeid iyo guud ahaan Suudaan.

Dalka Suudaan ayaa tan iyo bishii Abriil 2023 wajahaya dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda RSF, kadib khilaaf ka dhashay qorshe lagu doonayay in kooxda RSF lagu daro ciidamada qalabka sida ee dalka. Colaaddan ayaa sababtay mid ka mid ah masiibooyinka bani’aadannimo ee ugu waaweyn dunida, iyadoo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, halka malaayiin kale ay ku barakaceen gudaha iyo dibadda dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™