• Home  
  • Sh Aadan Madoobe oo si Rasmi ah Xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ula Wareegay.
- WARARKA

Sh Aadan Madoobe oo si Rasmi ah Xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ula Wareegay.

Hoggaamiyaha cusub ayaa sheegay inuu xoogga saari doono dib u heshiisiinta, amniga iyo mideynta bulshada, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta gobolka inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida. Baydhabo, Soomaaliya: (11 Juun 2026) Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay hoggaankii ku-meel-gaarka ahaa […]

Hoggaamiyaha cusub ayaa sheegay inuu xoogga saari doono dib u heshiisiinta, amniga iyo mideynta bulshada, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta gobolka inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida.

720056829 969300445729744 8346689445425111691 n

Baydhabo, Soomaaliya: (11 Juun 2026) Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay hoggaankii ku-meel-gaarka ahaa ee maamulka, kaddib doorasho shalay ka dhacday magaalada Baydhabo oo lagu doortay inuu hoggaamiyo dowlad goboleedka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa munaasabad lagu qabtay Baydhabo kaga dhawaaqay inuu si rasmi ah u bilaabay gudashada waajibaadka loo igmaday, isaga oo uga mahadceliyey hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa iyo golihii wasiirrada doorkii ay ka qaateen maamulka xilliga kala guurka.

“Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dadaalladii wax-ku-oolka ahaa ee uu muujiyey muddadii uu xilka hayey, gaar ahaan sidii uu u maareeyey marxaladdii xasaasiga ahayd ee kala guurka. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa golaha wasiirrada shaqadii wanaagsaneyd ee ay qabteen muddadaas,” ayuu yiri hoggaamiyuhu.

Hoggaamiyaha cusub ayaa sheegay inuu si wanaagsan ula socdo xaaladaha ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo xusay in maamulka cusub uu mudnaan gaar ah siin doono dib u heshiisiinta bulshada, sugidda amniga iyo xoojinta wadajirka shacabka.

“Anigoo og xaaladaha dhabta ah ee ka jira deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo duruufaha jira, waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu ii fududeeyo mas’uuliyadda culus ee la ii doortay. Waxaan xoogga saari doonaa dib u heshiisiinta, amniga, wadajirka iyo midnimada bulshada si loo helo maamul iyo bulsho isku duuban,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale baaq u diray qaar ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed, gaar ahaan masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay maamulka, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo horseedi kara qalalaase iyo amni darro.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan siyaasiyiinta reer Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwii hore xilalka uga soo qabtay deegaannadan, inay ka shaqeeyaan danta shacabka iyo horumarka deegaanadooda. Waxaa muhiim ah in la ilaaliyo nabadda, lana iska ilaaliyo ficillada abuuri kara fowdo iyo xasillooni darro,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii, hoggaamiyaha cusub ayaa shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay inay si buuxda ula shaqeeyaan maamulka cusub si loo xaqiijiyo himilooyinka la hiigsanayo, kuwaas oo uu sheegay inay ugu horreeyaan nabad waarta, dib u heshiisiin dhab ah iyo maamul si dhow ula shaqeeya shacabka.

Doorashadii shalay ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa lagu doortay Sheekh Aadan Madoobe inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in maamulka cusub uu bilaabo hirgelinta qorshayaashiisa ku aaddan amniga, dib u heshiisiinta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™