Xaaji Baari Shire Dharaar ayaa ahaa Allha Unaxariistee Aabaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntlnad dhamaan Golaha Wakiilada iyo Madaxda Puntland ayaan uga tasiyeeyey Geerida ku timid Gudoomiyaha Aabihiis.

Garoowe: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta magaalada Garoowe kaga qayb-galay salaadda janaasada ee Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Baari Shire Dharaar, oo ahaa aabaha dhalay Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Baari Shire.
Salaadda janaasada ee marxuumka ayaa lagu tukaday magaalada Garoowe, iyadoo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Dowladda Puntland, xubno ka kala socday goleyaasha dowladda, ehelada iyo qoyska marxuumka, culimo, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Masuuliyiinta ka qayb-galay janaasada waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamuud Maxamed Ciise (Awoowe), wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo masuuliyiintii kale ee ka soo qayb-gashay janaasada ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, qaraabada iyo dhammaan shacabka Puntland ee uu marxuumku ka baxay. Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay marxuum Xaaji Baari Shire Dharaar inuu ka waraabiyo naxariistiisa janno, kana dhigo kuwii lagu mannaystay dambi dhaaf iyo hoyga wanaagsan ee aakhiro.
Sidoo kale, masuuliyiinta iyo shacabka ka qayb-galay munaasabadda janaasada ayaa muujiyey sida ay uga murugaysan yihiin geerida marxuumka, iyagoo xusay doorkii wanaagsan ee uu ku lahaa bulshada iyo xiriirkii wanaagsanaa ee uu la lahaa dadka ku nool deegaannada Puntland.
Marxuum Xaaji Baari Shire Dharaar ayaa lagu xusuustaa akhlaaq wanaag, samafal iyo kaalintii uu kaga jiray bulshada, waxaana geeridiisu reebtay murugo iyo tiiraanyo ay wadaagaan qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee taqaanay.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.”










