• Home  
  • Gudoomiyaha Xisbiga Towfiiq Dr Sheekh Maxamed Shaakir oo Kormeer ku tagay Xarunta SODMA.
- WARARKA

Gudoomiyaha Xisbiga Towfiiq Dr Sheekh Maxamed Shaakir oo Kormeer ku tagay Xarunta SODMA.

Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq oo Kormeer ku Tegay Xarunta Hay’adda SODMA, Kana Bogaadiyey Adeegyada Ay Ummadda U Hayso. Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq, Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo ku tegay Xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), halkaas oo si diirran ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha Hay’adda, Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo masuuliyiin kale […]

Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq oo Kormeer ku Tegay Xarunta Hay’adda SODMA, Kana Bogaadiyey Adeegyada Ay Ummadda U Hayso.

724019903 1347596670796726 3481840476009459505 n

Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq, Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa maanta booqasho iyo kormeer shaqo ku tegay Xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), halkaas oo si diirran ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha Hay’adda, Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adda.

Booqashadan ayaa qeyb ka ahayd dadaallada Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq uu ugu kuurgalayo shaqooyinka muhiimka ah ee hay’adaha dowladda iyo adeegyada ay u fidiyaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada ay dalka ka dhacaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo xaaladaha bani’aadantinimo.

Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha SODMA iyo howl-wadeennada hay’adda, isagoo uga mahadceliyey soo dhoweynta wanaagsan ee loo sameeyey. Waxa uu sheegay in ujeeddada socdaalkiisu ay ahayd inuu si dhow u arko waxqabadka Hay’adda SODMA iyo kaalinta muuqata ee ay ka qaadato badbaadinta iyo gurmadka shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq ayaa xusay in intii uu ku sugnaa xarunta uu kormeer ku sameeyey dhammaan qaybaha kala duwan ee hay’adda, isaga oo indhihiisa ku arkay shaqada muhiimka ah ee halkaasi ka socota.

“Waxaan maanta fursad u helnay inaan booqanno xarunta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, waxaana si dhow u aragnay shaqada baaxadda leh ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaa muuqata dadaalka joogtada ah ee ay ugu adeegayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,” ayuu yiri Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyey shaqaalaha iyo maamulka hay’adda, isagoo ku ammaanay sida ay uga go’an tahay ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo taakuleynta dadka ay saameeyaan abaaraha, fatahaadaha, colaadaha iyo musiibooyinka kale ee dalka ka dhaca.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq ayaa farriin muhiim ah u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay inay xoojiyaan isku duubnida, iskaashiga iyo is-gargaaridda bulshada dhexdeeda.

“Waxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ay is caawiyaan, waxna is taraan, gacmahana is qabsadaan si loo xoojiyo isku filnaanshaha iyo wadajirka bulshada. Marka aynu is kaashanno, waxaa yaraada baahida loo qabo in mar kasta gacmo shisheeye loo hoorsado,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay is cafiyaan, dib u eegaan khaladaadkii hore, isla markaana u laabtaan Alle SWT si loo helo nabad, barwaaqo iyo dambi-dhaaf.

Ugu dambeyn, booqashada Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq ee Xarunta SODMA ayaa muujinaysa muhiimadda ay leedahay taageeridda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gurmadka iyo maaraynta musiibooyinka, kuwaas oo laf-dhabar u ah badbaadinta nolosha iyo daryeelka bulshada Soomaaliyeed xilliyada adag.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™