• Home  
  • Shirka Amniga KGS oo uu Gudoomiyey Hogaamiyaha cusub
- WARARKA

Shirka Amniga KGS oo uu Gudoomiyey Hogaamiyaha cusub

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shir Amni, Laguna Soo Saaray Go’aanno Adag oo Lagu Xoojinayo Nabadgelyada Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shir ballaaran oo looga hadlayey amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada, dardargelinta howlaha amni iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada […]

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shir Amni, Laguna Soo Saaray Go’aanno Adag oo Lagu Xoojinayo Nabadgelyada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shir ballaaran oo looga hadlayey amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada, dardargelinta howlaha amni iyo qorshayaasha lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada maamulkaasi.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, saraakiisha ciidamada kala duwan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga, kuwaas oo Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed uga warbixiyey xaaladda amni ee deegaannada maamulka iyo tallaabooyinka socda ee lagu sugayo amniga shacabka.

Masuuliyiinta laamaha amniga ayaa soo bandhigay warbixinno la xiriira xaaladda guud ee amniga, caqabadaha jira iyo qorshayaasha cusub ee lagu xoojinayo la dagaallanka kooxaha amniga lidiga ku ah, si loo xaqiijiyo jawi amni oo deggan oo ay shacabka ku helaan nolol iyo adeegyo hufan.

Shirka ayaa lagu soo saaray go’aanno muhiim ah oo la xiriira sugidda amniga magaalooyinka iyo deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed. Go’aannadaasi waxaa ka mid ah in askari aan ku labisnayn dareeska rasmiga ah ee ciidamada uusan qori ku dhex wadan karin gudaha magaalada, si loo kala saaro ciidamada shaqada ku jira iyo dadka kale ee hubka sita.

Sidoo kale, waxaa la go’aamiyey in gaadiidka dagaalka aan lagu dhex socon karin gudaha magaalada haddii aysan ku jirin howlgal rasmi ah oo amni, taas oo lagu doonayo in lagu yareeyo cabashada shacabka iyo in la adkeeyo nidaamka amniga.

Waxaa kaloo shirka lagu shaaciyey in dhawaan la bilaabi doono howlgallo qorshaysan oo lagu furayo waddooyinka muhiimka ah ee degmooyinka Koonfur Galbeed, kuwaas oo door weyn ka qaadan doona fududeynta isu socodka dadka iyo gaadiidka, kor u qaadista ganacsiga iyo xoojinta isku xirka bulshada.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha amniga iyo shacabka, isaga oo tilmaamay in amniga waara lagu gaari karo oo keliya iskaashi iyo is-aaminaad buuxda oo dhex marta bulshada iyo ciidamada.

Mudane Madoobe ayaa faray laamaha amniga inay sii laba jibbaaraan dadaallada ay ugu jiraan ilaalinta nabadgelyada, la dagaallanka falalka amniga wax u dhimaya iyo xaqiijinta xasilloonida deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, shirka ayaa lagu go’aamiyey in la xoojiyo howlgalada amniga, korna loo qaado wada-shaqeynta ciidamada iyo shacabka si looga hortago falalka lidiga ku ah amniga, loona abuuro jawi amni oo ku habboon horumarka, maalgashiga iyo adeegyada bulshada ee ay u baahan yihiin shacabka Koonfur Galbeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™