Taliyaha Ciidanka XDS iyo U Qaybsanaha Difaaca Masar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Masar.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Jamhuuriyadda Carabta Masar ee Soomaaliya, Sareeye Guuto Ahmed Fathi Abdisitar.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo labada mas’uul ay si gaar ah uga wada hadleen horumarinta tababarrada ciidamada, taageerada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo sare u qaadidda xiriirka milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.
Taliyaha Ciidanka XDS, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulanka intii uu socday carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar. Wuxuu tilmaamay in labada dal ay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo is-garab taag, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo dhismaha hay’adaha ciidamada.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda sugidda amniga dalka. Wuxuu tilmaamay in taageerada saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan dowladda Masar, ay door muuqda ka qaadan karto dadaallada lagu horumarinayo tayada iyo xirfadaha ciidamada Soomaaliyeed.
Dhankiisa, U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Masar, Sareeye Guuto Ahmed Fathi Abdisitar, ayaa xaqiijiyay sida ay dowladda Masar uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay siiso Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Masar ay Soomaaliya u aragto dal walaal ah oo muhiim u ah xasilloonida gobolka, isla markaana ay sii labanlaabi doonto dadaallada lagu taageerayo dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.
Mas’uulkan ayaa sidoo kale xusay in dowladda Masar ay diyaar u tahay inay sii waddo bixinta tababarrada iyo khibradaha la xiriira arrimaha ciidamada, si kor loogu qaado awoodda iyo waxtarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, xilli ay Soomaaliya waddo qorsheyaal ballaaran oo lagu horumarinayo hay’adaha amniga iyo difaaca dalka.
Gabagabadii kulanka, Taliyaha Ciidanka XDS ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarrada ciidamada iyo dhismaha awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo muujiyay rajada laga qabo in iskaashiga labada dal uu sii xoogaysto mustaqbalka.


