Ciidamadan ayaa ka socda Dalka Ghana waana Ciidamo Booliis ah waxa ayna Qayb ka noqan doonaan Howlgalka Midowga Afrika waxaana Dalka horay u joogay Ciidamo kale oo ka socda qaarkood wadamada Dariska.
Muqdisho: Ciidamo Booliis ah oo ka socda Jamhuuriyadda Ghana ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka mid noqonaya ciidamada Booliiska ee Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). Imaanshaha ciidamadan ayaa qayb ka ah dadaallada Midowga Afrika ee lagu taageerayo amniga, xasilloonida iyo dib-u-dhiska hay’adaha amniga Soomaaliya. Ciidamada Booliiska Ghana ayaa kamid ah dalalka ciidamada booliiska ku biiriya howlgalka AUSSOM, kaas oo taageera Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed dhinacyada tababarka, sugidda amniga iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah.
Soomaaliya waxaa horey uga howlgallayay ciidamada Midowga Afrika ee ka kala socda dalal badan oo Afrikaan ah, kuwaas oo ka shaqeeya sugidda amniga iyo taageeridda ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Howlgalka AUSSOM ayaa sanadkii 2025 beddelay howlgalkii ATMIS, iyadoo la qorsheeyay in si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga dowladda Soomaaliya.
Imaanshaha ciidamada Ghana ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahaysay xaalado siyaasadeed oo adag, kuwaas oo salka ku haya khilaafyo la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo arrimo kale oo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah mucaaradka ayaa muddooyinkii dambe isku hayay arrimo ay ka mid yihiin nooca doorashooyinka la qabanayo, dib-u-habeynta nidaamka siyaasadeed iyo arrimo kale oo saameyn ku leh geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.
Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay martigelisay kulamo siyaasadeed iyo dooddo la xiriira mustaqbalka doorashooyinka, iyadoo beesha caalamka iyo Midowga Afrika ay marar badan ku baaqeen in khilaafaadka jira lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad. Midowga Afrika ayaa dhowaan ku celiyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay muujiyaan tanaasul iyo wada-shaqeyn si looga fogaado xiisado amni iyo kuwo siyaasadeed oo saameyn kara xasilloonida dalka.
Dadka falanqeeya arrimaha amniga ayaa aaminsan in joogitaanka ciidamada cusub ee Ghana ay kor u qaadi karto awoodda howlgalka AUSSOM, gaar ahaan dhinaca ilaalinta amniga iyo taageeridda hay’adaha ammaanka Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa la filayaa inay ka qeyb qaataan tababarrada iyo horumarinta xirfadaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed si loo xoojiyo awoodda ay u leeyihiin sugidda amniga dalka.
Inkastoo imaanshaha ciidamadan loo arko tallaabo lagu xoojinayo howlgalka Midowga Afrika, haddana indhaha shacabka Soomaaliyeed waxay si gaar ah ugu jeedaan sida hoggaanka siyaasadeed ee dalka u maareyn doono khilaafaadka siyaasadeed ee jira. Guusha dadaallada amni iyo kuwa siyaasadeed ayaa si weyn ugu xirnaan doonta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, mucaaradka iyo taageerada saaxiibada caalamiga ah si Soomaaliya u gaarto xasillooni waarta iyo hannaan siyaasadeed oo lagu wada qanacsan yahay.


