Muqdisho, 21 Juun 2026: Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka XDS, kaas oo looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta, dib u dhiska, tayeynta iyo casriyeynta Ciidanka Qaranka.
Shirka oo ay ka qeyb galeen xubnaha sare ee guddiga ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda guud ee qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Ciidanka XDS, iyadoo la falanqeeyay warbixino, daraasado iyo talooyin ku aaddan sidii loo xoojin lahaa awoodda hawlgal iyo midda difaac ee Ciidanka Soomaaliyeed.
Xubnaha Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka XDS ayaa Taliyaha Ciidanka u soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin ku saabsan dardargelinta geeddi-socodka dib u dhiska Ciidanka, horumarinta hanaanka maamulka, sare u qaadidda tayada saraakiisha iyo ciidamada, iyo sidii loo abuuri lahaa ciidan leh awood buuxda oo gudan kara waajibaadka qaran ee loo igmaday.
Guddigan ayaa ka kooban saraakiil sare oo khibrad dheer u leh arrimaha ciidanka, kuwaas oo door muuqda ka soo qaatay dib u dhiska iyo hoggaaminta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tan iyo dib u soo celinta hay’adaha amniga dalka. Khibradda iyo aqoonta ay leeyihiin ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hanaanka ciidanka iyo dhisidda ciidan qaran oo casri ah.
Intii uu socday shirka, waxaa si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo qorshayaasha istiraatiijiga ah ee lagu xoojinayo awoodda Ciidanka XDS, si uu u noqdo ciidan leh diyaargarow sare, karti iyo nidaam shaqo oo waafaqsan baahiyaha amniga dalka.
Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in dhismaha ciidan xooggan uu saldhig u yahay ilaalinta madax-bannaanida dalka, difaaca xuduudaha qaranka, iyo sugidda amniga guud ee shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ku booriyay xubnaha guddiga inay sii xoojiyaan shaqooyinka, daraasadaha iyo talooyinka istiraatiijiyadeed ee ay wadaan, si loo xaqiijiyo himilooyinka ku aaddan dhismaha iyo tayeynta Ciidanka XDS.
Taliyaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in qorshe kasta oo lagu horumarinayo ciidanka uu noqdo mid ku dhisan aqoon, waayo-aragnimo iyo aragti fog, si loo helo ciidan awood u leh inuu si hufan uga jawaabo caqabadaha amni ee dalka ka jira.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso dhismaha hay’ad amni oo tayo leh, lehna awood ay ku ilaaliso nabadda, xasilloonida iyo danaha qaranka.
Ugu dambeyn, shirka ayaa ku soo dhammaaday in la sii wado qorshayaasha horumarineed ee lagu tayeynayo Ciidanka XDS, iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta iyo isku xirnaanta hay’adaha kala duwan ee qeybta ka ah dib u dhiska ciidanka qaranka.


