• Home  
  • Wasiirka Beeraha iyo Waraabka JFS oo Qaabilay Madaxa Cusub ee Nidaamyada Cuntada ee WFP Soomaaliya, Sagootiyayna Madaxdii Hore.
- WARARKA

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka JFS oo Qaabilay Madaxa Cusub ee Nidaamyada Cuntada ee WFP Soomaaliya, Sagootiyayna Madaxdii Hore.

Muqdisho 21 June 2026: Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta Xarunta Dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Mudane Javed Yousifi, oo ah Madaxa cusub ee Nidaamyada Cuntada ee Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya. Kulankan ayaa sidoo kale ahaa munaasabad lagu sagootinayay Marwo Andreia Fausto, oo hore […]

Muqdisho 21 June 2026: Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta Xarunta Dhexe ee Wasaaradda ku qaabilay Mudane Javed Yousifi, oo ah Madaxa cusub ee Nidaamyada Cuntada ee Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa sidoo kale ahaa munaasabad lagu sagootinayay Marwo Andreia Fausto, oo hore u ahayd Madaxa Nidaamyada Cuntada ee WFP Soomaaliya, iyadoo looga mahadceliyay kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qaadatay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Beeraha iyo WFP muddadii ay xilka haysay.

Munaasabadda soo dhaweynta iyo sagootinta ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda sare ee Wasaaradda, agaasimayaal, iyo howlwadeenno kala duwan, kuwaas oo muujiyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera horumarinta beeraha, sugidda cuntada iyo kobcinta nidaamyada wax-soo-saarka dalka.

Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa uga mahadceliyay Marwo Andreia Fausto dadaalladii ay gelisay horumarinta wada shaqeynta Wasaaradda iyo WFP, gaar ahaan dhinacyada taageerada beeraleyda, horumarinta nidaamyada cuntada, iyo xoojinta mashaariicda wax ka taraya sugidda amniga cunnada Soomaaliya.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa soo dhaweeyay Mudane Javed Yousifi, isaga oo u rajeeyay guul iyo waxqabad wanaagsan xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo tilmaamay in Wasaaradda Beeraha iyo Waraabku ay diyaar u tahay inay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay WFP iyo dhammaan hay’adaha taageera horumarinta beeraha Soomaaliya.

Mudane Javed Yousifi ayaa dhankiisa muujiyay sida uu uga go’an yahay inuu sii ambaqaado shaqadii hore loo qabtay, isla markaana uu xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamyada cuntada Soomaaliya, isagoo muhiimad gaar ah siinaya iskaashiga dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo bulshada beeraleyda ah.

WFP ayaa ka mid ah hay’adaha caalamiga ah ee si weyn uga shaqeeya Soomaaliya, iyadoo taageero ka geysata arrimaha cuntada, nafaqada, adkeysiga bulshada iyo horumarinta hababka wax-soo-saarka ee la xiriira beeraha iyo nolol-maalmeedka bulshada.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay horumarinta wax-soo-saarka gudaha, yareynta ku tiirsanaanta cuntada dibadda laga keeno, iyo dhisidda nidaam beereed waara oo awood u leh inuu ka jawaabo caqabadaha ay ka mid yihiin isbeddelka cimilada, abaaraha iyo saameynta musiibooyinka dabiiciga ah.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-faham iyo ballanqaad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, si loo gaaro horumar waara oo ku aaddan sugidda cuntada, taageeridda beeraleyda Soomaaliyeed, iyo dhisidda mustaqbal leh nidaam cunto oo xooggan.

Iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Beeraha iyo WFP ayaa muhiim u ah dadaallada lagu horumarinayo wax-soo-saarka gudaha iyo xaqiijinta in bulshada Soomaaliyeed ay hesho cunto ku filan oo tayo leh.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™