• Home  
  • Wasaaradda Cadaaladda iyo UNDP oo Daahfuray Qorshe Horumarineed oo cusub oo Soomaaliya ka hirgelaya 2026–2030.
- WARARKA

Wasaaradda Cadaaladda iyo UNDP oo Daahfuray Qorshe Horumarineed oo cusub oo Soomaaliya ka hirgelaya 2026–2030.

Muqdisho 21 June 2026: Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faysal Aadan Xasan, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda daahfurka Barnaamijka Qorshaha Horumarinta ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP) ee Soomaaliya, kaas oo socon doona muddada u dhexeysa sannadaha 2026 ilaa 2030. Qorshahan cusub ayaa lagu […]

Muqdisho 21 June 2026: Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faysal Aadan Xasan, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda daahfurka Barnaamijka Qorshaha Horumarinta ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta (UNDP) ee Soomaaliya, kaas oo socon doona muddada u dhexeysa sannadaha 2026 ilaa 2030.

Qorshahan cusub ayaa lagu saleeyay Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya (National Transformation Plan – NTP), waxaana uu diiradda saaraya dhinacyada muhiimka u ah dib-u-dhiska dalka, xoojinta hay’adaha dowladda, horumarinta adeegyada bulshada, nabadeynta iyo abuuridda jawi horseeda horumar waara.

Barnaamijka UNDP ee Soomaaliya 2026–2030 ayaa lagu sheegay inuu yahay qorshe muhiim u ah taageeridda dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha hay’ado awood leh, sare u qaadidda tayada maamulka dowliga ah iyo xoojinta nidaamyada cadaaladda si loo helo adeegyo hufan oo shacabka loogu adeego.

Munaasabadda daahfurka ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ah iyo dhammaan bahwadaagta horumarinta, si loo gaaro himilooyinka ku aaddan nabad, xasillooni iyo horumar dhaqaale.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Faysal Aadan Xasan, ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hay’ado dowladeed oo tayo leh, gaar ahaan hay’adaha cadaaladda oo laf-dhabar u ah dowladnimada, amniga iyo ilaalinta xuquuqda shacabka.

Mudane Faysal ayaa sheegay in dib-u-habeynta iyo xoojinta hay’adaha cadaaladda ay door weyn ka qaadanayaan xaqiijinta maamul wanaagga, isla xisaabtanka iyo dhismaha kalsoonida shacabka ay ku qabaan hay’adaha dowladda. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in nidaam cadaaladeed oo xooggan uu saldhig u yahay nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.

Qorshaha cusub ee UNDP ayaa sidoo kale xoogga saaraya sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha dhaqaale ee dalka, saameynta isbeddelka cimilada iyo baahiyaha la xiriira horumarinta bulshada. Waxaana la filayaa in barnaamijkani uu gacan ka geysto taageeridda qorshayaasha dowladda ee lagu horumarinayo adeegyada muhiimka ah iyo kobcinta awoodda hay’adaha qaranka.

Xoghayaha Joogtada ah ayaa ugu dambeyn bogaadiyay Hay’adda UNDP, Wasaaradda Qorsheynta iyo dhammaan bahwadaagta horumarinta ee taageera Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyay iskaashiga joogtada ah iyo dadaallada ay ku garab istaagayaan dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha dowladnimo xooggan.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in wada-shaqeyn dhow oo dhex marta dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay muhiim u tahay xaqiijinta himilooyinka qaranka, gaar ahaan nabadda, horumarka iyo xasilloonida mustaqbalka Soomaaliya.

Daahfurka Barnaamijka Horumarinta UNDP ee Soomaaliya 2026–2030 ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dadaallada socda ee lagu dhisayo Soomaaliya leh hay’ado awood leh, nidaam cadaalad oo hufan iyo horumar waara oo gaara dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™