Dhusamareb 26 June 2026: Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ka haray tartanka doorashada Galmudug, iyadoo dad badan indhaha ku hayeen waxa ka soo bixi doona Galmudug iyo jihada siyaasadeed ee loo wadi doono mustaqbalka dhow.
Waxaa jiray khilaaf siyaasadeed oo la xiriiray doorashooyinka, kaas oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug. Dowladda Federaalka Soomaaliya markii ay meel marisay Dastuurka dalka, waxaa bilowday qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo ay Dowladda Federaalka gacanta ku hayso dhammaan qorshayaasha la xiriira doorashada dalka.
Waxaa bilowday khilaaf xooggan oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug. Bulshada iyo dhammaan dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa hadal hayn badan ka sameeyay arrimaha siyaasadda Galmudug iyo Dowladda Soomaaliyeed.
Bulshada ayaa is weydiinaysay su’aalo badan oo la xiriiray hanaanka doorashada Galmudug, mowqifka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, mustaqbalka Galmudug, iyo sida Galmudug ula jaan qaadi lahayd qorshaha Dowladda Federaalka.
Bulshada Galmudug waxay Qoorqoor ka filayeen inuu isku adkeeyo mowqif adag oo uu mar kale noqdo Madaxweynaha Galmudug, isla markaana uu sameeyo wax walba oo xilka ku heli karo, xabad iyo xeelad kaleba.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday qorshe kasta oo lagu xalin karo xiisadda siyaasadeed ee Galmudug iyo sidii xal loo heli lahaa, loogana baaqsan lahaa xabad.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dirtay wafdi wasiirro ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Goboleedka Galmudug iyo Dowladda Soomaaliyeed. Wafdiga waxaa hoggaaminayay Saadaq Joon, oo ay qaraabo dhow yihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Nasiib darro, wada-hadalladaas kama soo bixin wax natiijo ah.
Waxaa cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, iyadoo bulshada ay muujiyeen walaac ku saabsan arrintaas iyo halka ay ku dambayn doonto xaaladda Galmudug.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii waday dadaallada xal loogu raadinayo xiisadda siyaasadeed ee Galmudug, waxaana magaalada loo soo diray Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, Maxamed Maxamed Salaad.
Halkaas waxaa ka bilowday wada-hadallo iyo dhex-dhexaadin siyaasadeed oo la xiriiray arrimaha siyaasadda Galmudug. Waxaa dhex maray kulamo kala duwan, iyadoo markii ay isku afgarteen wada-hadallada uu Dhuusamareeb soo gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre si uu u dhamaystiro wada-hadallada harsan.
Waxaa dhex maray wada-hadallo saddex geesood ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Waxayna isku afgarteen wada-hadallada in Galmudug loo jiheeyo meel dan u ah dalka iyo dadka reer Galmudug.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay inuu gadaal ka istaagay arrimaha doorashada Galmudug, isla markaana uu ka talo galay danta dadka reer Galmudug oo uu kaliya ku wareejin doono cidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u aragto in Galmudug ay hoggaamin karto.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa meel muuqata ka geli doona taariikhda Galmudug, maadaama uu Galmudug ka keenay meel fog, maanta na ay la jaan qaadi doonto dowladnimada iyo horumarka dalka Soomaaliyeed.
Bulshada ma halmaami doonto waxqabadkii Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wixii uu qabtay ee uu Galmudug kaga tagi doono.
Galmudug waxay hadda u gudbaysaa marxalad cusub oo siyaasadeed.
W.Q: Mubaarak Daacad


