• Home  
  • Shir-cilmiyeedka Siyaasadda Dhaqaalaha oo galay maalintii labaad, iyadoo maanta diiradda lagu saarayo doodaha muhiimka ah.
- WARARKA

Shir-cilmiyeedka Siyaasadda Dhaqaalaha oo galay maalintii labaad, iyadoo maanta diiradda lagu saarayo doodaha muhiimka ah.

Muqdisho 29 July 2926: Shir-cilmiyeedka Siyaasadda Dhaqaalaha oo uu soo qabanqaabiyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta galay maalintii labaad, iyadoo la filayo in lagu soo bandhigo doodo muhiim ah oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha dalka, xasilloonida nidaamka maaliyadeed iyo fursadaha lagu kobcin karo maalgashiga. Shirkan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka […]

Muqdisho 29 July 2926: Shir-cilmiyeedka Siyaasadda Dhaqaalaha oo uu soo qabanqaabiyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta galay maalintii labaad, iyadoo la filayo in lagu soo bandhigo doodo muhiim ah oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha dalka, xasilloonida nidaamka maaliyadeed iyo fursadaha lagu kobcin karo maalgashiga.

Shirkan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, khubaro ku xeel dheer dhaqaalaha, madax ka socota hay’adaha maaliyadda, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal iyo wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera horumarinta dhaqaalaha. Ujeeddada ugu weyn ee shirka ayaa ah in la abuuro madal ay isugu yimaadaan daneeyayaasha kala duwan si ay u falanqeeyaan xaaladda dhaqaalaha dalka iyo siyaabaha ugu habboon ee lagu xoojin karo kobaca dhaqaale ee waara.

Maalintii koowaad ee shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin horumarka laga gaaray dib-u-habeynta hay’adaha maaliyadda, siyaasadaha lacagta, kor u qaadista kalsoonida nidaamka bangiyada iyo muhiimadda ay leedahay iskaashiga dowladda iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay. Sidoo kale waxaa la falanqeeyay caqabadaha hortaagan kobaca dhaqaalaha iyo fursadaha jira ee lagu horumarin karo wax-soo-saarka gudaha.

Maalinta labaad ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo doodo iyo daraasado ay diyaariyeen khubaro Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah, kuwaas oo si qoto dheer u eegaya jihada uu u socdo dhaqaalaha Soomaaliya iyo tallaabooyinka loo baahan yahay si loo gaaro kobac dhaqaale oo loo dhan yahay. Doodaha ayaa sidoo kale taaban doona horumarinta adeegyada maaliyadeed, casriyeynta nidaamyada lacag-bixinta, kobcinta maalgelinta gudaha iyo dibadda, iyo doorka tiknoolajiyadda ee horumarinta dhaqaalaha.

Ka qeybgalayaasha shirka ayaa fursad u heli doona inay is dhaafsadaan fikrado iyo khibrado la xiriira siyaasad-dejinta dhaqaalaha, iyagoo soo jeedin doona talooyin lagu xoojin karo adkeysiga dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo abuuri lahaa jawi soo jiita maalgashiga.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa shirkan u arka mid qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta dowladda, ganacsatada, hay’adaha cilmi-baarista iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo helo siyaasad dhaqaale oo ku saleysan cilmi, xog iyo falanqeyn dhab ah. Shirkan ayaa sidoo kale lagu tilmaamay madal muhiim u ah isdhaafsiga aqoonta iyo soo bandhigidda fikrado cusub oo ka qeyb qaadan kara horumarinta dhaqaalaha dalka.

Shir-cilmiyeedkan oo ah kii afaraad ee noociisa ah ayaa ka socda magaalada Muqdisho 28-ka illaa 29-ka Luulyo 2026, waxaana la filayaa in gabagabadiisa laga soo saaro talooyin iyo qodobbo wax ku ool ah oo gacan ka geysan kara horumarinta siyaasadaha dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta xasilloonida maaliyadeed ee dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™