• Home  
  • Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay xogta diiwaangelinta codbixiyeyaasha Galmudug.
- WARARKA

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay xogta diiwaangelinta codbixiyeyaasha Galmudug.

Dhusamareb 29 July 2026: Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay xogta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka doorashooyinka qof iyo cod ee dalka. Guddiga ayaa sheegay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay u dhacday si waafaqsan Sharciga Doorashooyinka Qaranka iyo habraacyada […]

Dhusamareb 29 July 2026: Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay xogta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Dowlad-goboleedka Galmudug, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu hirgelinayo nidaamka doorashooyinka qof iyo cod ee dalka.

Guddiga ayaa sheegay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay u dhacday si waafaqsan Sharciga Doorashooyinka Qaranka iyo habraacyada uu dejiyay GMDQS, iyadoo howshu si guul leh uga qabsoontay 11 degmo oo ka tirsan Dowlad-goboleedka Galmudug.

Sida uu guddigu sheegay, diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa ahayd tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursad ay codkooda ugu dhiiban karaan doorashooyin hufan, xor iyo daahfuran. GMDQS ayaa xusay in geeddi-socodka diiwaangelinta uu ku qabsoomay jawi deggan, iyadoo la raacay dhammaan habraacyadii farsamo iyo sharci ee lagu maamulayay howsha.

Guddigu wuxuu bogaadiyay shacabka Galmudug ee ka qeyb qaatay isdiiwaangelinta, isagoo ku ammaanay sida ay uga faa’iideysteen fursadda lagu xaqiijinayo xuquuqdooda dastuuriga ah ee ka qeybgalka doorashooyinka. Sidoo kale, waxaa la mahadceliyay maamulka Galmudug, laamaha amniga, maamulka degmooyinka iyo dhammaan dhinacyadii gacan ka geystay sugidda amniga iyo fududeynta howlaha diiwaangelinta.

GMDQS ayaa tilmaamay in xogta la shaaciyay ay ka tarjumeyso heerka ka qeybgalka bulshada ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha, isla markaana ay muhiim u tahay qorsheynta marxaladaha xiga ee hannaanka doorashooyinka dalka.

Ugu dambeyn, Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku boorriyay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada aan weli laga hirgelin diiwaangelinta inay si firfircoon uga qeyb qaataan marka howshu gaarto deegaannadooda, si ay u xaqiijiyaan xuquuqdooda codbixineed una dooran karaan hoggaankooda mustaqbalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™