• Home  
  • Sawirro: Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Dhagax-dhigay Xarun Caafimaad oo laga Hirgelinayo Dugsiga Tababarka Xananbuure.
- WARARKA

Sawirro: Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Dhagax-dhigay Xarun Caafimaad oo laga Hirgelinayo Dugsiga Tababarka Xananbuure.

Xananbuure 29 July 2026: Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdulahi Cumar ” Gen khaalid” oo howlo shaqo u jooga qaybo ka mid ah deegaannada Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa dhagax-dhigay Xarunta Caafimaadka Dugsiga Tababarka Xananbuure, kaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo adeegyada caafimaad ee ciidamada ku sugan xerada. Kadib munaasabadda dhagax-dhigga […]

Xananbuure 29 July 2026: Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdulahi Cumar ” Gen khaalid” oo howlo shaqo u jooga qaybo ka mid ah deegaannada Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa dhagax-dhigay Xarunta Caafimaadka Dugsiga Tababarka Xananbuure, kaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo adeegyada caafimaad ee ciidamada ku sugan xerada.

Kadib munaasabadda dhagax-dhigga Taliyaha oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha iyo macallimiinta dugsiga intii ay kulamadu socdeen ayaa looga xog-waraystay xaaladda guud ee ciidamada, heerka tababarkooda iyo noocyada casharrada ay qaataan iyadoo diiradda la saaray tayeynta tababarka iyo sare u qaadista aqoonta ciidanka.

Gabagabadii Munaasabada Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa saraakiisha iyo macallimiinta ku wareejiyey siddeed neef oo geel ah, kuwaas oo loogu talagalay ciidamada dugsiga ku jiro , si loo xoojiyo daryeelkooda iyo dhiirrigelintooda.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo tababarka, daryeelka iyo diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™