Dhuusamareeb, 31 Luulyo 2026: Hoggaamiyaha Ururka Siyaasadeedka Towfiiq, Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa maanta gaaray xarunta Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu kulan kula leeyahay xubnaha guddiga, xilli ay weli taagan yihiin doodaha iyo cabashooyinka ka dhashay doorashadii ururrada siyaasadeed ee qabsoontay shalay.
Wararka ay heshay DunidaMaanta.com ayaa sheegaya in kulankan uu ku soo beegmay saacado yar kaddib markii warbaahinta loogu yeeray shir jaraa’id oo la qorsheeyay in Dr. Sheekh Shaakir kaga hadlo arrimaha la xiriira doorashadii shalay. Hase yeeshee, halkii uu qaban lahaa shirkii jaraa’id, ayuu u jihaystay xarunta Guddiga Doorashooyinka si uu wada-hadal toos ah ula yeesho masuuliyiinta guddiga.
Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in kulanka uu diiradda saarayo cabashooyinka uu Ururka Towfiiq ka qabo habkii loo maamulay doorashada, gaar ahaan hannaankii codbixinta, tirinta codadka iyo habraacyadii loo maray geeddi-socodka doorashada.
Ururka Towfiiq ayaa hore u muujiyay walaac ku saabsan hufnaanta doorashada, isagoo sheegay inay jiraan arrimo u baahan in Guddiga Doorashooyinka uu ka bixiyo faahfaahin iyo jawaabo rasmi ah. Mas’uuliyiinta ururka ayaa hore u sheegay inay doonayaan in cabashooyinka jira loo wajaho si waafaqsan sharciga iyo xeerarka doorashada.
Sida ay sheegayaan ilo ku dhow wada-hadallada, kulanka maanta ayaa la filayaa inuu labada dhinac u noqdo fursad ay uga wada hadlaan tabashooyinka jira, isla markaana lagu raadiyo waddo lagu xallin karo khilaafaadka ka dhashay geeddi-socodka doorashada.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Galmudug ama Ururka Towfiiq oo ku saabsan waxyaabaha looga hadlay kulanka ama natiijada wada-hadallada socda.
Sidoo kale, lama oga in Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu qaban doono shir jaraa’id marka uu soo dhammaado kulanka uu la leeyahay Guddiga Doorashooyinka, inkastoo warbaahinta gudaha iyo tan dibadda ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ka socda xarunta guddiga.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay weli socdaan falcelinno siyaasadeed oo la xiriira doorashadii ururrada siyaasadeed ee Galmudug, iyadoo qaar ka mid ah ururrada ka qayb galay doorashada ay muujiyeen walaac ku saabsan hannaankii loo maamulay codbixinta iyo tirinta codadka.
DunidaMaanta.com waxay si dhow ula socon doontaa kulanka, waxayna akhristayaasheeda la wadaagi doontaa wixii warar iyo go’aanno ah ee kasoo baxa marka ay si rasmi ah u soo baxaan.


