• Home  
  • Hogaamiyaha Towfiiq Dr Sh shaakir iyo Musharaxa Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo Shir Dhusamareb uga socdo.
- WARARKA

Hogaamiyaha Towfiiq Dr Sh shaakir iyo Musharaxa Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo Shir Dhusamareb uga socdo.

Dhuusamareeb: Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka socda kulan xasaasi ah oo u dhexeeya musharraxa xilka Madaxweynaha Galmudug, Libaan Axmed Xasan (Lii Powe), iyo hoggaamiyaha Ururka Siyaasadeedka Towfiiq, Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, xilli ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay doorashadii ururrada siyaasadeed ee Galmudug. Sida ay heshay DunidaMaanta.com, kulanka ayaa diiradda lagu […]

Dhuusamareeb: Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka socda kulan xasaasi ah oo u dhexeeya musharraxa xilka Madaxweynaha Galmudug, Libaan Axmed Xasan (Lii Powe), iyo hoggaamiyaha Ururka Siyaasadeedka Towfiiq, Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, xilli ay weli taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay doorashadii ururrada siyaasadeed ee Galmudug.

Sida ay heshay DunidaMaanta.com, kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa sidii xal looga gaari lahaa tabashada uu Ururka Towfiiq ka qabo hannaankii loo maamulay doorashada, iyo sidii loo dejin lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay natiijada la sugayo.

Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in labada mas’uul ay ka wada hadlayaan sidii loo heli lahaa is-afgarad siyaasadeed oo gacan ka geysan kara dejinta xaaladda taagan, loona ilaalin lahaa xasilloonida iyo midnimada geeddi-socodka siyaasadeed ee Galmudug.

Kulankan ayaa imanaya saacado kaddib markii Dr. Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu baaqday shir jaraa’id oo uu habeenkii xalay warbaahinta ugu ballansanaa. Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegaya in Sheekh Shaakir uu haatan ku sugan yahay guriga musharraxa Madaxweynaha Galmudug, Libaan Axmed Xasan (Lii Powe), halkaas oo wada-hadallada gaarka ah ay ka socdaan.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray kulanka, mana cadda waxyaabaha la isku afgartay ama go’aannada laga gaaray. Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa si weyn isha loogu hayaa, maadaama uu saameyn ku yeelan karo jihada siyaasadeed ee Galmudug iyo xal u helidda tabashooyinka la xiriira doorashada.

Daneeyayaasha siyaasadda, taageerayaasha ururrada siyaasadeed iyo bulshada reer Galmudug ayaa si dhow ula socda natiijada wada-hadalladan, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxyaabaha kasoo baxay kulanka.

DunidaMaanta.com waxay akhristayaasheeda si joogto ah ula socodsiin doontaa wixii kasoo kordha kulanka, iyo go’aannada ama is-afgaradyada laga gaaro marka ay si rasmi ah u soo baxaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™