Muqdisho 8 Agoosto 2026: Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo doorashada ka socota magaalada Muqdisho ee lagu buuxinayo kursigii uu baneeyay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Lafta-gareen oo haatan dibad-joog ah, isla markaana weli sheeganaya inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in maamulkiisu uusan wax qayb ah ku lahayn doorashada ka socota Muqdisho, isagoo sidoo kale sheegay in aysan aqoonsanayn cid sheeganaysa inay wakiil uga tahay doorashadaasi.
“Dowladda Koonfur Galbeed waxa ay caddaynaysaa in aysan qayb ka ahayn doorashada sharcidarrada ah ee uu Xasan Sheekh ka wado Muqdisho. Qayb kama nihin, mana aqoonsanin, cid wakiil nooga ahna ma jirto,” ayuu yiri Lafta-gareen.
Wuxuu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid Koonfur Galbeed uga wakiil ah doorashadaasi, isagoo tilmaamay in xildhibaannada kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed ee ka qayb qaata hannaanka doorashada aysan haynin wax oggolaansho ah oo ay maamulkaasi ku matalayaan.
Lafta-gareen ayaa dhinaca kale sheegay in kooxdiisu ay sii wadi doonto dadaallada ay sheegtay inay ku doonayso “xoreynta Koonfur Galbeed”, gaar ahaan hawlgallada ay ka wadaan nawaaxiga magaalada Baydhaba, oo ah xarunta gobolka Baay.
“Dowladda Koonfur Galbeed waajibaadkeeda u yaalla waxa weeye oo keliya ilaalinta gobannimada, xornimada iyo sidii ay usoo celin lahayd dowladnimada Koonfur Galbeed oo ay gumaysiga uga dulqaadi lahayd,” ayuu yiri Cabdicasiis Lafta-gareen.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu weli jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dhinacyada isku haya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay si kala duwan uga hadlayaan sharciyadda maamulka iyo cidda matasha dadka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.
Afhayeenka Lafta-gareen oo isna ka hadlay Baarlamaanka
Dhanka kale, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo ah afhayeenka Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay mowqifka ay ka qabaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Afhayeenka ayaa sheegay in dhinacooda aysan aqoonsanayn Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hadda jira, isaga oo sabab uga dhigay in uu sheegay inuu dhammaaday muddo-xileedkii Baarlamaanka.
“Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ma aqoonsana Baarlamaan Soomaaliyeed oo maanta ka jira Soomaaliya, sababtoo ah Baarlamaanka waqtigiisu waa dhacay,” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
Hadalladan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho ay ka socoto qabanqaabada doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka, taas oo la filayo in lagu buuxiyo xilka guddoomiyenimo ee bannaanaaday.
Waxaa ka mid ah musharraxiinta ugu cadcad Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ah Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, kaas oo la sheegay inuu taageero ka helayo Villa Soomaaliya.
Mowqifka cusub ee Lafta-gareen iyo hadallada kasoo baxay afhayeenkiisa ayaa sii kordhinaya doodda siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo matalaadda Koonfur Galbeed, iyadoo dhinacyada siyaasadda ay weli isku khilaafsan yihiin hannaanka siyaasadeed ee dalka iyo sharciyadda hay’adaha dowladda Federaalka.


