Flores, Indonesia 15 Agoosto 2026: Dhulgariir xooggan oo cabbirkiisu gaaray 7.7 magnitude ayaa saacadihii hore ee Sabtida ku dhuftay bariga Indonesia, gaar ahaan dhulka iyo xeebaha ku dhow jasiiradda Flores, waxaana ka dhashay burbur xooggan, dhul-go’ iyo dhimasho badan.
Ilo wareedyo iyo saraakiil maxalli ah ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen musiibada, halka lix qof ay dhaawacmeen, iyadoo sidoo kale la raadinayo laba qof oo la la’yahay kadib markii dhul-go’ uu ku dhacay goobaha ay dadka ku nool yihiin. Tirada khasaaraha ayaa laga cabsi qabaa inay korodho, maadaama kooxaha gurmadka ay weli baarayaan dhismayaal dumay iyo goobo ay burburiyeen dhul-go’ayaal.
Dhulgariirka ayaa dhacay aroortii hore, waxaana hay’adda cilmiga dhulka ee Indonesia, BMKG, ay sheegtay in gariirkii ugu horreeyay la diiwaangeliyay xilli ku dhow 4:58 subaxnimo, iyadoo dhulgariirku ahaa mid aad ugu dhow dusha dhulka. Gariirka weyn waxaa xigay gariirro kale oo xooggan, oo ay ku jireen mid cabbirkiisu gaaray 6.1 magnitude.
Deegaanno badan oo Flores ah ayaa laga soo sheegay dhismayaal dumay, guryo iyo xarumo dowladeed oo waxyeelloobay, iyadoo waddooyin muhiim ah ay go’een kadib dhul-go’ayaal. Magaalada Maumere, oo ah mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee gobolka Sikka, ayaa si gaar ah uga mid ah meelaha laga soo sheegay khasaaraha ugu badan. Isgaarsiinta iyo korontada oo meelaha qaar go’day ayaa sidoo kale adkeeyay dadaallada gurmadka.
Dhulgariirku wuxuu sidoo kale sababay cabsi laga qabo tsunami, waxaana markii hore la bixiyay digniin tsunami ah. Si kastaba, digniinta ayaa la qaaday qiyaastii saddex saacadood kadib, iyadoo mowjado ka yar hal mitir laga diiwaangeliyay qaybo ka mid ah Indonesia.
Kumanaan qof ayaa ka cararay guryahooda, iyadoo qiyaastii 2,000 qof oo ku nool gobolka Nagekeo loo daadgureeyay goobo ammaan ah. Isbitaallo ayaa sidoo kale bukaanno dibadda u saaray sababo la xiriira cabsi laga qabay burbur dheeraad ah iyo gariirrada daba socda.
Kooxaha gurmadka iyo samatabbixinta ayaa hadda xoogga saaraya sidii loo heli lahaa dadka ku hoos jira burburka, loo caawin lahaa dadka dhaawacmay, loona qiimeyn lahaa baaxadda khasaaraha. Juqraafi ahaan, Indonesia waxay ku taallaa “Ring of Fire” ee Badweynta Baasifigga, oo ah aag si joogto ah looga diiwaangeliyo dhulgariirrada iyo dhaqdhaqaaqyada foolkaanaha.
Mas’uuliyiintu waxay dadka deegaanka ugu baaqeen inay taxaddar muujiyaan, kana fogaadaan dhismayaasha waxyeelloobay, iyadoo la filayo gariirro kale oo daba socda dhulgariirka weyn. Hawlgallada gurmadka ayaa weli socda, waxaana la filayaa in xog dheeraad ah laga helo khasaaraha iyo dadka la la’yahay saacadaha soo socda.

