Washington 15 Agoosto 2026: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono in Marinka Hormuz uu yahay dhul ay leedahay dowladda Mareykanka, hadal sii xoojinaya xiisadda ka taagan marin-biyoodka muhiimka ah ee isku xira Gacanka iyo Badda Cumaan.
Trump ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Garden City ee gobolka New York, xilli uu khudbad jeedinayay, waxaana hadalkiisa uu kusoo beegmay iyadoo isu socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz uu si weyn hoos ugu dhacay sababo la xiriira dagaalka iyo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in marka la soo gabagabeeyo waxa uu ku tilmaamay guusha laga gaarayo Iran, uu qorsheynayo in Marinka Hormuz lagu dhawaaqo inuu yahay dhul Mareykan ah.
“Markaan dhammaystirno ka guuleysiga Iran, waxaan dhawaan ku dhawaaqi doonaa in Marinka Hormuz uu yahay dhul uu leeyahay Mareykanka,” ayuu yiri Trump.
Hadalka Trump ayaa ah mid xasaasi ah, maadaama Marinka Hormuz uu yahay marin-biyood caalami ah oo muhiimad weyn u leh isu socodka tamarta adduunka. Reuters ayaa sheegtay in marinku caadi ahaan qaado qiyaastii shan meelood meel saliidda adduunka, halka khalkhal ku yimaada isu socodkiisana uu si toos ah u saameyn karo suuqyada shidaalka iyo dhaqaalaha caalamka.
Trump oo Mareykanka uga digay qiimaha shidaalka
Trump ayaa sidoo kale dadka Mareykanka ah ugu baaqay inay diyaar u noqdaan koror ku yimaada qiimaha shidaalka, isaga oo sheegay in tani ay tahay kharashka ka dhalanaya dadaallada uu Mareykanku ku doonayo inuu uga hortago in Iran ay hesho hub nukliyeer ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Mareykanka ah ee laga yaabo inay wax yar ka badan ku bixiyaan shidaalka ay tahay inay fahmaan in qiimahaasi uu qayb ka yahay dadaalka lagu horjoogsanayo waxa uu ku tilmaamay waddan aad u xun inuu helo hubka nukliyeerka.
Sida ay Reuters sheegtay, celceliska qiimaha hal gallon oo shidaal ah gudaha Mareykanka ayaa 14 Agoosto gaaray ku dhowaad $4.08, taas oo 29% ka sarreysa qiimihii sanad ka hor.
Maraakiibta shidaalka oo ku dhow inay istaagaan
Xiisadda ka taagan Marinka Hormuz ayaa durba saameyn weyn ku yeelatay isu socodka maraakiibta. Reuters waxay sheegtay in Jimcihii ay kaliya laba markab ka gudbeen marinka, iyadoo aan la arkin maraakiib xambaarsan shidaal cayriin. Tiradan ayaa aad uga yar in ka badan 130 markab oo maalin kasta halkaas mari jiray ka hor dagaalka.
Xaaladda ayaa sidoo kale sare u qaaday walaaca laga qabo qiimaha shidaalka iyo saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta haddii marinku sii xirnaado.
Iran ayaa dhinaceeda si adag uga jawaabtay mowqifka Mareykanka, iyadoo sheegtay in Marinka Hormuz uusan noqon karin meel dowlad kale si fudud ula wareegi karto, isla markaana Tehran ay weli ku adkeysanayso mowqifkeeda ku aaddan maamulidda isu socodka marinka.
Hadallada cusub ee Donald Trump ayaa sidaas darteed kusoo kordhinaya xaalad horey u ahayd mid aad u kacsan, iyadoo mustaqbalka Marinka Hormuz uu noqday mid si weyn ugu xiran natiijada dagaalka Mareykanka iyo Iran iyo dadaallada lagu doonayo in lagu soo celiyo isu socodka maraakiibta.


