• Home  
  • NISA oo soo saaratay Xogta iyo Magacyada Horjoogayaal ka tirsanaa AS oo la qaarajiyey.
- WARARKA

NISA oo soo saaratay Xogta iyo Magacyada Horjoogayaal ka tirsanaa AS oo la qaarajiyey.

Jowhar 15 Agoosto 2026: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo maanta ka dhacay deegaanka Warciise oo ku yaalla duleedka magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka HirShabelle. Sida lagu sheegay war kasoo baxay NISA, howlgalka oo ay hay’addu fulisay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa lagu dilay sagaal xubnood oo ka […]

Jowhar 15 Agoosto 2026: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal qorsheysan oo maanta ka dhacay deegaanka Warciise oo ku yaalla duleedka magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka HirShabelle.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay NISA, howlgalka oo ay hay’addu fulisay iyadoo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa lagu dilay sagaal xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan laba horjooge oo muhiim u ahaa kooxda.

Howlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Warciise ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo qiyaastii 25 kiiloomitir u jira magaalada Jowhar. NISA waxay sheegtay in xubnaha la beegsaday ay halkaasi ku sugnaayeen xilli ay ciidamadu qaadayeen howlgalka qorsheysan.

Labada horjooge ee lagu dilay howlgalka ayaa lagu kala magacaabay Axmed Cali Jimcaale iyo Geedi Maxamed Nuur Cadde.

NISA ayaa sheegtay in Axmed Cali Jimcaale uu ahaa horjoogihii Al-Shabaab ugu magacaawnaa degmada Jowhar, halka Geedi Maxamed Nuur Cadde uu kooxda u qaabilsanaa deegaannada Dumaaye iyo Dabagaalo.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in labada horjooge muddo lagu daba jiray xogtooda iyo dhaq-dhaqaaqyadooda, kahor inta aan la fulin howlgalka lagu beegsaday.

Intaasi waxaa dheer, howlgalka ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo kale oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee deegaanka Warciise. Sida ay NISA sheegtay, xubnahan ayaa la socday labada horjooge ee howlgalka lagu beegsaday.

Hay’addu waxay sheegtay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, iyadoo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay jab culus. Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe kordhisay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo awoodda kooxda iyo shabakadaha ay u adeegsato abaabulka iyo fulinta falalka argagixisada.

Howlgallada noocan ah ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga dalka, gaar ahaan deegaanada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

NISA ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta khataraha amni iyo dhaq-dhaqaaqyada kooxaha argagixisada.

Hay’addu waxay shacabka ka codsatay inay soo gudbiyaan macluumaad la xiriira Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo sheegtay in xogta shacabka ay muhiim u tahay ka hortagga falalka amni-darrada iyo qorshayaasha kooxahaasi.

NISA ayaa shacabka siisay lambarro ay kula soo xiriiri karaan hay’adda, kuwaas oo kala ah 199, 0770 747474 iyo 0620 545454.

Howlgalka Jowhar ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay xoogga saarayso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu marar kala duwan ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado dagaalka lagula jiro kooxda iyo in laga hortago isku day kasta oo ay ku doonayso inay dib ugu soo laabato deegaanadii laga saaray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™