Dhuusamareeb 15 Agoosto 2026: Waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug lagu qabtay munaasabadda 20-aad ee aas-aaska Galmudug, taas oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan iyo shacabka reer Galmudug.
Munaasabadda ayaa sidoo kale ahayd fursad ay magaalada Dhuusamareeb ku kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), oo haatan xilkiisu gabagabo ku dhow yahay.
Intii ay socotay munaasabadda, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray shacabka Galmudug, isaga oo sidoo kale ka hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda Soomaaliya iyo dadaallada lagu sugayo amniga dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in cadawga kaliya ee Soomaaliya ay leedahay uu yahay argagixisada, isaga oo xusay in dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo, loona midoobo sidii dalka looga xoreyn lahaa khatarta ay ku hayaan shacabka iyo dowladnimada.

Dhankiisa, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka reer Galmudug munaasabadda sanad-guurada 20-aad ee aas-aaska Galmudug. Wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay xuska 14-ka Agoosto, oo ah maalin si gaar ah looga xuso deegaannada Galmudug, iyadoo sidoo kale ay munaasabaddan xusaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool waddamada dibadda.
Munaasabadda sanad-guurada ayaa kusoo beegantay xilli magaalada Dhuusamareeb ay ku sugan yihiin madax iyo saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Galmudug.
Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ay si wadajir ah xarigga uga jaraan dhismaha wajiga koowaad ee waddada laamiga ah ee caasimadda Galmudug, Dhuusamareeb. Mashruucan ayaa qayb ka ah howlaha horumarineed ee ka socda caasimadda Galmudug.
Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu maanta gaaro xerada tababarka ciidamada Xananbuure ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu tababar ugu soo xiri doono ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Dhuusamareeb waxaa hadda ku wada sugan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka.

Joogitaanka madaxda dowladda iyo saraakiisha ciidamada ee caasimadda Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Galgaduud uu yahay meel muhiim u ah hawlgallada amniga iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda ciidamada dowladda.
Sanad-guurada 20-aad ee Galmudug ayaa sidoo kale noqotay munaasabad lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay midnimada shacabka reer Galmudug, horumarinta caasimadda Dhuusamareeb iyo xoojinta amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.


