• Home  
  • Soomaaliya iyo Pakistan oo xoojinaya iskaashiga difaaca iyo amniga.
- WARARKA

Soomaaliya iyo Pakistan oo xoojinaya iskaashiga difaaca iyo amniga.

Muqdisho 20 Agoosto 2026:  Dowladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Pakistan ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga iyo tayeynta ciidamada, kaddib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Safiirka Pakistan ee Soomaaliya, Aqsa Nawaz. Kulanka oo dhacay Arbacadii ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin […]

Muqdisho 20 Agoosto 2026:  Dowladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Pakistan ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga iyo tayeynta ciidamada, kaddib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Safiirka Pakistan ee Soomaaliya, Aqsa Nawaz.

Kulanka oo dhacay Arbacadii ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, dhismaha awoodda milatari iyo is-weydaarsiga khibradaha la xiriira difaaca iyo amniga.

Wasiir Fiqi iyo Safiir Aqsa Nawaz ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo hirgelin lahaa is-afgaradkii cusub ee iskaashiga difaaca ee ay Soomaaliya iyo Pakistan wada gaareen horraantii bishan. Heshiiskaas ayaa la xiriira xoojinta wada-shaqeynta milatari iyo amni, iyadoo labada dhinac ay doonayaan in la ballaariyo fursadaha tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Qodobada muhiimka ah ee iskaashiga waxaa ka mid ah la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada, is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha milatari, iyo horumarinta awoodaha difaaca Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa sidoo kale si gaar ah u eegay horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga amniga, iyadoo la tixgelinayo danaha wadajirka ah iyo xiriirka istaraatiijiyadeed ee labada dowladood.

Is-afgaradka cusub ayaa yimid kaddib booqasho rasmi ah oo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya uu ku tegay magaalada Islamabad, halkaas oo uu heshiiska kula saxiixday Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Muhammad Asif. Heshiiska ayaa loo arkaa mid saldhig u noqon kara iskaashi muddo dheer ah oo labada dal ka yeeshaan arrimaha difaaca iyo amniga.

Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay xoojisay xiriirka dhinaca difaaca ee ay la leedahay dalal dhowr ah oo saaxiib la ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Turkiga iyo Masar. Iskaashiyadaasi waxay inta badan ku saabsan yihiin tababarka ciidamada, dhismaha awoodda hay’adaha amniga iyo taageerada la xiriirta la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

Xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan ayaa sidaas darteed u muuqda mid galaya marxalad cusub, iyadoo labada dowladood ay doonayaan in iskaashiga difaaca laga gudbiyo heshiisyo siyaasadeed, loona beddelo wada-shaqeyn wax ku ool ah oo si toos ah uga qayb qaadata tayeynta iyo dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™