• Home  
  • Xaalada Muqdisho iyo Khayre oo is dhiibay.
- WARARKA

Xaalada Muqdisho iyo Khayre oo is dhiibay.

Dagaalkii Muqdisho Oo Inta Badan Istaagay, Wadahadallo Ayaana U Socda Xasan Cali Khayre Iyo Dowladda waxaana gacanta dowladu ku dhigtay ciidamadiisii sida la xaqiijiyey. Waxaa istaagay inta badan dagaalkii saacado badan ka socday aagga Barmuuda ee degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gudaha u galeen guriga Ra’iisul Wasaarihii hore ee […]

Dagaalkii Muqdisho Oo Inta Badan Istaagay, Wadahadallo Ayaana U Socda Xasan Cali Khayre Iyo Dowladda waxaana gacanta dowladu ku dhigtay ciidamadiisii sida la xaqiijiyey.

bbanadir

Waxaa istaagay inta badan dagaalkii saacado badan ka socday aagga Barmuuda ee degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gudaha u galeen guriga Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Waxaa haatan socda wada-hadallo u dhexeeya Xasan Cali Khayre iyo xubno ka socda Dowladda Federaalka, kuwaas oo uu hoggaaminayo Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Cadaaladda Xasan Macallin Maxamuud.

Sida ay xogta ku helayso warbaahinta Dunida Maanta, dowladda ayaa gacanta ku dhigtay inta badan ciidamadii la sheegay inay u dagaallamayeen Xasan Cali Khayre. Waxaa sidoo kale la filayaa in Khayre lagu celiyo halkii uu markii hore deganaa ee aagga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin tallaabadaas.

Dhanka kale, rasaas iyo hub culus ayaa weli laga maqlayaa deegaanka uu degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Wararka laga helayo halkaasi ayaa sheegaya in xaaladdu ay weli tahay mid kacsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo rasaas goos-goos ah ay sii socdaan.

712864561 1529170848571598 3809976307368702166 n

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay inuu goobta ka saaray warbaahinta madaxa-bannaan ee tan iyo shalay ka tabinaysay xaaladda halkaasi ka taagan. Wariyeyaasha ayaa lagu wargeliyay inay isaga baxaan goobta sababo la xiriira amniga, maadaama laga cabsi qabo in dagaalku markale xoogeysto ama ay waxyeello ka soo gaarto.

In ka badan 15 saacadood ayuu dagaalkan ka socday magaalada Muqdisho kadib markii uu billowday galinkii dambe ee shalay. Iska horimaadyada ayaa sababay khasaaro baaxad leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay. Waxaa xusid mudan in xaafado badan oo ku yaalla degmooyinka Howlwadaag, Hodan iyo Waaberi ay ku dheceen madaafiic hoobiyeyaal ah iyo rasaas laga riday qoryaha waaweyn ee ay adeegsanayeen dhinacyada dagaallamayay.

Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen goobaha ay deganaayeen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo dhalisay iska horimaadyo xooggan oo muddo kooban ku fiday xaafado badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay iyo saaka hore ay maqleen qaraxyo, madaafiic iyo rasaas culus oo si joogto ah uga dhacaysay goobaha lagu dagaallamayay.

Dhankiisa Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa si kulul uga hadlay Dagaalkan waxa uuna ku baaqay in laga fogaado wax waliba oo Dagaal keeni kara wadahadalna lagu dhameeyo iyo wada xaajood waxa uuna wax waliba oo dhacaya ku eedeeyey dushana u saaray Madaxwayne Xasan Sh Maxamuud.

Qoysas badan ayaa lagu soo warramayaa inay ka barakaceen xaafadaha dagaalladu ka dhaceen, iyagoo u qaxay deegaanno kale oo ammaan ah. Waddooyin muhiim ah oo magaalada dhex mara ayaa sidoo kale xirmay saacado badan, taas oo saameyn ku yeelatay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaaladda saaka ay ka duwan tahay tii xalay, iyadoo goobaha qaar ay dib uga bilowdeen dhaqdhaqaaqyada shacabka, hase yeeshee weli waxaa muuqata cabsi xooggan oo laga qabo in dagaalku dib uga qarxo meelo ka mid ah caasimadda.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan khasaaraha guud ee dagaalka, dadka la qabtay ama natiijada wada-hadallada socda. Si kastaba ha ahaatee, indhaha shacabka iyo beesha caalamka ayaa ku wajahan sida ay ku dhammaan doonaan wada-xaajoodyada u socda Xasan Cali Khayre iyo dowladda, kuwaas oo loo arko kuwo saameyn weyn ku yeelan kara xaaladda amni iyo siyaasadeed ee magaalada Muqdisho.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalka, xaaladda goobaha weli xiisaddu ka jirto iyo natiijada dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda saacadihii lasoo dhaafay gilgishay caasimadda Soomaaliya.

Dagaal. Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™