• Home  
  • Bayaan Wadajir ah oo ka soobaxay Beelaha Sacad iyo Cayr.
- WARARKA

Bayaan Wadajir ah oo ka soobaxay Beelaha Sacad iyo Cayr.

Kulan ka dhacay Magaalada Dhusamareb ayey si wadajir ah Bayaan uga soo saareen Beelaha Sacad iyo Cayr waxa ayna kaga arin sanateen Arimo muhiim ah kuwaasoo quseeya Masiirka Galmudug. Dhuusamareeb, Galmudug: Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka qabsoomay kulan muhiim ah oo ay yeesheen isimada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Sacad iyo Cayr. Kulankan ayaa yimid […]

Kulan ka dhacay Magaalada Dhusamareb ayey si wadajir ah Bayaan uga soo saareen Beelaha Sacad iyo Cayr waxa ayna kaga arin sanateen Arimo muhiim ah kuwaasoo quseeya Masiirka Galmudug.

#image_title

Dhuusamareeb, Galmudug: Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka qabsoomay kulan muhiim ah oo ay yeesheen isimada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Sacad iyo Cayr.

Kulankan ayaa yimid kadib codsi rasmi ah oo ay Beesha Sacad u gudbisay Beesha Cayr, kaas oo la xiriiray taageerada iyo garab-istaagga Musharraxa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluuq).

Shirkan oo ku qabsoomay jawi is-afgarad, walaaltinimo iyo wada-tashi qoto dheer ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Galmudug, xoojinta wadajirka bulshada, ilaalinta nabadda iyo sidii loo mideyn lahaa taageerada Musharrax Madaxweyne Liibaan Axmed Xasan.

Kadib falanqeyn iyo wada-tashi dheer, kulanku wuxuu si wadajir ah u soo saaray qodobadan:

1. Ilaalinta Midnimada, Amniga iyo Horumarka Galmudug

Labada beelood waxay si buuxda u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, xasilloonida iyo horumarka guud ee Galmudug, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb oo ah caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug. Waxa ay labada dhinac ku baaqeen in laga wada shaqeeyo wax kasta oo kor u qaadaya nabadda iyo dowladnimada.

2. Soo Dhaweynta Taageerada Musharrax Madaxweyne Liibaan Axmed Xasan

Beesha Cayr waxay si diirran u soo dhaweysay taageerada Musharrax Madaxweyne Liibaan Axmed Xasan, iyada oo caddeysay inay aqbalsan tahay codsiga iyo mowqifka ay Beesha Sacad ku muujisay garab-istaagga musharraxa.

Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in taageeradan ay muujinayso biseyl siyaasadeed, is-aaminaad iyo wadajir ku saleysan danta guud ee Galmudug.

3. Garab-istaagga Dowladda Federaalka Soomaaliya

Labada beelood waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan sugidda amniga, xoojinta dowladnimada, horumarinta adeegyada bulshada iyo dardargelinta geeddi-socodka doorashada qof iyo cod.

4. Ugu Dambeyn

Kulanku wuxuu ugu baaqayaa dhammaan bulshada Galmudug inay ilaaliyaan nabadda, wadajirka iyo walaaltinimada, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka, xasilloonida iyo mustaqbalka wanaagsan ee Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Galmudug Dhusamareb

#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™