• Home  
  • Madaxweynaha Jubaland oo Daah-furay Mashruuca Adkeysiga Barakacayaasha iyo Bulshada Degmada Doolow.
- WARARKA

Madaxweynaha Jubaland oo Daah-furay Mashruuca Adkeysiga Barakacayaasha iyo Bulshada Degmada Doolow.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Adkeysiga Barakacayaasha iyo Bulshada Degmada Doolow, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo nolosha iyo isku-filnaanshaha bulshada deegaanka, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah iyo qoysaska nugul. Mashruucan oo uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), ayaa ku kacaya […]

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Adkeysiga Barakacayaasha iyo Bulshada Degmada Doolow, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo nolosha iyo isku-filnaanshaha bulshada deegaanka, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah iyo qoysaska nugul.

723942190 1574440557371162 6810834096457569900 n

Mashruucan oo uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), ayaa ku kacaya lacag dhan 21 milyan oo doollar, waxaana la filayaa inuu wax weyn ka beddelo xaaladda nololeed iyo tan dhaqaale ee bulshada ku nool degmada Doolow iyo deegaannada ku xeeran.

Ujeeddada ugu weyn ee mashruucan ayaa ah xoojinta adkeysiga bulshada, yareynta ku tiirsanaanta gargaarka iyo deeqaha dibadda, iyo horumarinta isku-filnaanshaha bulshada si loo gaaro nolol waarta oo horseedda koboc dhaqaale iyo bulsho. Mashruucu wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo horumarka waara iyo xal u helidda caqabadaha ay wajahaan dadka barakacayaasha ah iyo bulshada martigelisa.

Mashruuca ayaa diiradda saaraya dhowr arrimood oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha ku dhawaad 2,000 oo guri oo loogu talagalay qoysaska danta yar iyo dadka barakacayaasha ah, si loo helo deegaan ammaan ah oo ku habboon nolosha bulshada. Sidoo kale, waxaa la hirgelin doonaa kanaallo waraab ah iyo beero wax-soo-saar leh, kuwaas oo kor u qaadi doona wax-soo-saarka beeraha isla markaana abuuri doona fursado shaqo iyo dhaqaale oo cusub.

Dhanka kale, mashruucu wuxuu xoogga saarayaa kobcinta xirfadaha bulshada iyo awood-siinta dadka nugul, iyadoo la siin doono tababaro iyo fursado kor loogu qaadayo aqoontooda iyo kartidooda shaqo. Tani waxay door weyn ka qaadan doontaa yareynta saboolnimada iyo kordhinta fursadaha dhaqaale ee bulshada.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in mashruucani yahay tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo degmada Doolow, laguna xoojinayo nolol maalmeedka shacabka. Wuxuu xusay in dowladda Jubaland ay ka go’an tahay hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah, kuwaas oo kor u qaadaya adeegyada bulshada, wax-soo-saarka iyo koboca dhaqaalaha.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu si weyn uga qayb qaato horumarinta wax-soo-saarka beeraha, abuurista shaqooyin cusub, hagaajinta adeegyada aasaasiga ah, iyo xoojinta adkeysiga bulshada si ay uga gudbaan duruufaha adag ee ka dhasha barakaca, isbeddelka cimilada iyo caqabadaha dhaqaale.

Daah-furka mashruucan ayaa muujinaya dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo degmada Doolow, iyadoo la abuuro fursado waara oo horseeda nolol wanaagsan, horumar dhaqaale iyo mustaqbal ifaya oo ay bulshada deegaanka ku gaarto isku-filnaansho iyo barwaaqo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™