• Home  
  • Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka shiray furitaanka Kalfadhiga 8-aad.
- WARARKA

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka shiray furitaanka Kalfadhiga 8-aad.

Muqdisho Soomaaliya 25 Juun 2026: Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, iyadoo kulanka lagu gorfeeyey diyaarinta iyo furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka. Kulanka waxaa shir-guddoominaysay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee […]

Muqdisho Soomaaliya 25 Juun 2026: Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, iyadoo kulanka lagu gorfeeyey diyaarinta iyo furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa shir-guddoominaysay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, waxaana ka qeyb galay xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka wada hadlay arrimaha mudnaanta u leh howlaha baarlamaanka iyo qorshaha shaqo ee Kalfadhiga cusub.

Ajendaha ugu weyn ee kulanka ayaa ahaa sidii loo diyaarin lahaa waqtiga ku habboon ee si rasmi ah loo furi lahaa Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka, iyadoo xubnaha guddigu ay si qoto dheer uga doodeen muhiimadda ay leedahay in Golaha uu si habsami leh dib ugu bilaabo shaqadiisa dastuuriga ah.

Xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa isku raacay in dib u bilaabashada howlaha Golaha Shacabka ay muhiim u tahay sii wadidda geeddi-socodka dowlad-dhismaha Soomaaliya, gaar ahaan dhammeystirka sharciyada mudnaanta leh, xoojinta hay’adaha dowladda iyo horumarinta nidaamka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee dalka.

Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale la xusay baahida loo qabo in Golaha Shacabka uu sii xoojiyo doorkiisa sharci dejinta, kormeerka hay’adaha dowladda iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la hubinayo in howlaha baarlamaanka ay noqdaan kuwo si hufan uga jawaabaya baahiyaha bulshada.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo soo gabagabeysay kulanka, ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda gaarka ah ee uu leeyahay Kalfadhiga 8-aad iyo waajibaadyada waaweyn ee horyaalla Golaha.

Waxay sheegtay in Kalfadhigan uu noqon doono mid diiradda lagu saaro ajandayaal iyo sharciyo muhiim u ah horumarinta dowladnimada, tayeynta hay’adaha qaranka, iyo dardargelinta howlaha lagu horumarinayo nidaamka dowladeed ee Soomaaliya.

Marwo Sacdiya ayaa sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ku boorrisay inay sii xoojiyaan wada shaqeynta, isku duubnida iyo dadaallada lagu xaqiijinayo in Golaha Shacabka uu si buuxda u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Furitaanka Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu ku jiro marxalado muhiim ah oo la xiriira dhismaha hay’adaha dowladda, horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo xoojinta sharciyada hagaya dowladnimada Soomaaliya.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa door muhiim ah ku leh dejinta sharciyada, ilaalinta danaha shacabka iyo kormeerka howlaha dowladda, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in Golaha uu sii wado dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada iyo adeegyada ay hay’adaha qaranku u fidiyaan bulshada.

Kulanka Guddiga Joogtada ah ayaa noqday tallaabo muhiim ah oo lagu diyaarinayo wejiga cusub ee howlaha Baarlamaanka, iyadoo la filayo in Kalfadhiga 8-aad uu noqdo mid xambaarsan go’aanno iyo sharciyo wax ku ool u ah mustaqbalka dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™