Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuc ballaaran oo lagu dhisayo 20 waddo oo Interloog ah, kuwaas oo laga hirgelin doono waaxyaha Axmed Gurey iyo Sayidka ee degmada Hawlwadaag. Mashruucan ayaa qeyb ka ah qorshaha horumarineed ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ku casriyeynayo kaabayaasha dhaqaalaha, korna ugu qaadayo bilicda Caasimadda Muqdisho iyo tayada adeegyada ay helaan shacabka.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo maamulka degmada Hawlwadaag, xubno ka tirsan golaha deegaanka, odayaal dhaqameed, waxgarad, haween, dhallinyaro iyo wakiillo ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada. Ka qeybgalayaashu waxay soo dhaweeyeen bilowga mashruucan, iyagoo ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doona horumarka deegaanka iyo fududeynta nolosha shacabka.
Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu si joogto ah uga shaqeynayo hirgelinta mashaariic waaweyn oo lagu horumarinayo kaabayaasha caasimadda, si Muqdisho ay u yeelato waddooyin casri ah iyo adeegyo u dhigma koboca iyo baahida sii kordheysa ee bulshada.
Wuxuu xusay in waddooyinka Interloogga ah ee laga dhisayo degmada Hawlwadaag ay wax weyn ka beddeli doonaan isku socodka gaadiidka iyo dadka, isla markaana ay kor u qaadi doonaan bilicda magaalada, nadaafadda deegaanka iyo koboca dhaqdhaqaaqa ganacsiga. Sida uu sheegay, waddooyinka cusub waxay sidoo kale yareyn doonaan dhibaatooyinka ay shacabka la kulmaan xilliyada roobabka, maadaama ay fududeynayaan marin u helidda xaafadaha iyo goobaha adeegyada bulshada.
Guddoomiye Cabdimajiid ayaa carrabka ku adkeeyay in horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ay laf-dhabar u tahay koboca magaalada, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadato horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga iyo tayada nolosha dadka ku nool caasimadda. Wuxuu tilmaamay in maamulka gobolka uu sii wadi doono hirgelinta mashaariic la mid ah tan degmada Hawlwadaag, si dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ay uga faa’iideystaan adeegyo casri ah.
Dhankiisa, maamulka degmada Hawlwadaag ayaa uga mahadceliyay Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka uu ku bixinayo horumarinta degmada, isagoo sheegay in mashruucan uu yahay mid muddo dheer ay shacabka sugayeen, isla markaana wax badan ka tari doona baahiyaha kaabayaasha ee degmada.
Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka degmada Hawlwadaag inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta kala dhexeysa maamulka degmada iyo kan gobolka, si loo dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed loona ilaaliyo kaabayaasha la dhisayo. Wuxuu sheegay in ilaalinta hantida guud iyo ka qeyb qaadashada bulshada ay muhiim u yihiin sii jiritaanka iyo waxtarka mashaariicda horumarinta.
“Horumarka caasimaddu ma hirgeli karo haddii aysan jirin iskaashi dhab ah oo u dhexeeya maamulka iyo shacabka. Waddooyinkan waxaa loo dhisayaa bulshada, waxaana muhiim ah in la ilaaliyo si ay uga faa’iideystaan jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka,” ayuu yiri Guddoomiye Ku-xigeenka.
Munaasabadda ayaa ku soo idlaatay bogaadin loo jeediyay Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo bulshada deegaanka ay muujisay sida ay ugu faraxsan yihiin bilowga mashruuca. Waxay sheegeen in dhismaha waddooyinkan uu wax weyn ka tari doono isku socodka, kobcinta ganacsiga, bilicda deegaanka iyo sare u qaadista adeegyada bulshada.
Mashruucan cusub ayaa qeyb ka ah qorsheyaasha horumarineed ee Dowladda Hoose ee Xamar ay ka waddo degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu casriyeynayo waddooyinka, bullaacadaha, goobaha bulshada iyo adeegyada kale ee aas-aasiga ah. Dowladda Hoose ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in Muqdisho laga dhigo caasimad casri ah oo leh kaabayaal tayo leh, isla markaana u adeegta baahiyaha sii kordhaya ee shacabka Soomaaliyeed.


