Dhuusamareeb 27 July 2026: Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doctrine-ka XDS, Sareeye Guuto Axmed Ciise, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug, iyagoo hoggaaminaya wafdi ka tirsan taliska sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Booqashada wafdiga ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada iyo hufnaanta shaqada ciidamada, iyadoo diiradda la saarayo dardargelinta howlaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Safarkan ayaa sidoo kale lagu qiimeynayaa heerka diyaargarowga ciidamada, tayeynta tababarrada iyo kor u qaadidda awoodda ciidamada ee gudashada waajibaadka qaran.
Intii ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb, taliyeyaasha ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiisha hoggaamineysa Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee ciidamada, horumarka laga sameeyey howlaha tababarka, sare u qaadidda nidaamka shaqada iyo qorshayaasha lagu xoojinayo waxtarka ciidamada ee ku sugan deegaannada ay ka howlgalaan.
Saraakiisha Qaybta 21-aad ayaa warbixin ka siiyey wafdiga xaaladda ciidamada, howlaha ay maalinlaha u fuliyaan iyo dadaallada ay ugu jiraan ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada hoos yimaada mas’uuliyaddooda. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo sii horumarin lahaa tababarrada ciidanka iyo kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadaha ciidamada si ay ugu diyaar garoobaan waajibaadka kala duwan ee horyaalla.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa saraakiisha iyo ciidamada Qaybta 21-aad ku bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee ay ku bixinayaan gudashada waajibaadka qaran. Wuxuu tilmaamay in ciidamada Soomaaliyeed ay laf-dhabar u yihiin difaaca dalka iyo sugidda amniga shacabka, isla markaana looga baahan yahay inay sii xoojiyaan wadajirka, anshaxa iyo kartida ciidanimo.
Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sidoo kale uga mahadceliyey saraakiisha iyo ciidamada sida ay mar walba uga soo dhalaalaan howlaha loo igmado, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaana ay muujiyaan feejignaan, isku-duubni iyo daacadnimo ay ugu adeegayaan Qaranka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doctrine-ka XDS, Sareeye Guuto Axmed Ciise, ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo tababarrada ciidamada si kor loogu qaado xirfadaha iyo aqoonta askarta. Wuxuu xusay in tayeynta tababarka iyo hirgelinta habraacyada casriga ah ay door weyn ka qaadanayaan dhismaha ciidan qaran oo leh karti iyo awood uu ku gudan karo waajibaadka loo igmaday.
Booqashada taliyeyaasha ee Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah socdaallo shaqo oo ay taliska sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku marayaan talisyada iyo qeybaha kala duwan ee ciidamada, kuwaas oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta, kor u qaadidda hufnaanta howlaha ciidanka iyo dhiirrigelinta saraakiisha iyo askarta ku sugan furimaha iyo xeryaha ciidamada.
Socdaalkan ayaa la filayaa inuu gacan ka geysto xoojinta howlaha Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo taliska sare uu sii wado dadaallada lagu horumarinayo tayada ciidamada, kor u qaadidda tababarrada iyo xaqiijinta in ciidamada Qaranku si buuxda ugu diyaar garoobaan gudashada waajibaadka ka saaran difaaca dalka iyo ilaalinta amniga shacabka Soomaaliyeed.


