• Home  
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo baaq nabadeed u dirtay Maleeshiyaadka ku dagaalamaya Jalalaqsi.
- WARARKA

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo baaq nabadeed u dirtay Maleeshiyaadka ku dagaalamaya Jalalaqsi.

Muqdisho 20/6/2026: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay maleeshiyaadka beeleed ee maalintii saddexaad dagaal uu ku dhexmarayo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh colaadda inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo sii […]

Muqdisho 20/6/2026: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay maleeshiyaadka beeleed ee maalintii saddexaad dagaal uu ku dhexmarayo degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh colaadda inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo sii hurin kara xiisadda iyo colaadda ka taagan deegaanka.

Dagaalka ka socda degmada Jalalaqsi ayaa sababay khasaare kala duwan, iyadoo wararka laga helayo deegaanka ay sheegayaan in maleeshiyaad ka tirsan dhinacyada is haya ay gaysteen falal ay ka mid yihiin gubista guryo iyo dilal la xiriira aanooyin hore oo beeleed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in colaadaha noocan oo kale ah ay waxyeello weyn u geystaan shacabka rayidka ah, islamarkaana ay dib u dhac ku keenaan nabadda, amniga iyo wada noolaanshaha bulshada deegaanka.

Hay’adaha amniga dowladda ayaa lagu amray inay ku baxaan daminta xiisadda, sugidda amniga shacabka, iyo sidii loo xaqiijin lahaa in xaaladda lagu soo celiyo deganaan. Wasaaradda ayaa sidoo kale ku boorrisay maamulka deegaanka, odayaasha dhaqanka, culimada iyo waxgaradka gobolka Hiiraan inay qaataan doorkooda ku aaddan joojinta colaadda iyo fududeynta wada-hadal nabadeed.

“Dhiig dambe oo daata ma xallin karo khilaafaadka jira, xal waara waxaa lagu gaari karaa wada-hadal, is cafis iyo dib-u-heshiisiin,” ayaa fariinta Wasaaradda lagu adkeeyey.

Dadka ku nool degmada Jalalaqsi ayaa wajahaya xaalad adag oo ka dhalatay dagaalka, iyadoo cabsi laga qabo in colaadda ay saameyn ku yeelato nolosha shacabka, dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee deegaanka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa mar kale ku celisay baaqeeda ku aaddan in hubka la dejiyo, shacabka laga dhowro waxyeellada, lana hormariyo nabadda iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, gaar ahaan deegaannada ay ka jiraan khilaafaadka beeleed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

About Us

Ku soo dhowaada dunidamaanta.com⁠ waa mareeg warbaahineed u taagan baahinta wararka Soomaaliya iyo caalamka, falanqaynta siyaasadda, iyo gudbinta macluumaad sax ah oo bulshada anfaca.

Email Us: info@dunidamaanta.com

Contact: +252 615 760100

Dunida Maanta  @2026. All Rights Reserved. – Designed by ServerSom™