Muqdisho, Juun 23 2026: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay isfahamka iyo is-afgaradka (Memorandum of Understanding) ee dhexmaray Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo gacan ka geysan karta dejinta xiisadaha, xoojinta wadahadallada diblomaasiyadeed, iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Soomaaliya waxay sheegtay in go’aanka labada dhinac ay ku doorteen wadahadal iyo diblomaasiyad uu yahay horumar wanaagsan oo muujinaya muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka caalamiga ah lagu xalliyo hab nabadeed, iyadoo la ilaalinayo danaha iyo amniga bulshada rayidka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay dadaallada lagu gaaray isfahamkan, iyadoo ku boorrisay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay sii wadaan wadahadallada iyo tallaabooyinka lagu dhisayo kalsooni wadaag, si looga fogaado in xiisadaha siyaasadeed iyo amni ay sii kordhaan.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay si gaar ah u aqoonsatay doorka dalalka taageeray dadaalladan diblomaasiyadeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo Jamhuuriyadda Türkiye, kuwaas oo ka qayb qaatay fududeynta iyo dhiirrigelinta jawi u saamaxaya in la gaaro faham iyo wada-shaqeyn dheeraad ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale xustay kaalinta iyo dadaallada Madaxweyne Donald J. Trump ee ku aaddan dhiirrigelinta hannaan diblomaasiyadeed oo lagu raadinayo nabad iyo xalal siyaasadeed oo waara.
Isfahamkan cusub ee dhexmaray Mareykanka iyo Iiraan ayaa Soomaaliya ay u aragtaa fursad lagu yareyn karo khilaafaadka gobolka, laguna xoojin karo amniga guud ee Bariga Dhexe, Badda Cas, iyo Geeska Afrika, oo ah goobo muhiim u ah nabadda iyo isu socodka caalamiga ah.
Dowladda Soomaaliya waxay rajaynaysaa in heshiiskan lagu dhaqangeliyo niyad wanaagsan iyo mas’uuliyad siyaasadeed, isla markaana uu ka qayb qaato ilaalinta nolosha dadka rayidka ah, sugidda xorriyadda maraakiibta iyo badqabka isu socodka badda, iyo ka hortagga tallaabo kasta oo horseedi karta sii-kordhinta xiisadaha.
Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada diblomaasiyadda, ixtiraamka sharciga caalamiga ah, iyo muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu dhammeeyo wada-hadal iyo xalal nabadeed.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay soo dhaweynayso dhammaan dadaallada caalamiga ah ee lagu horumarinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida, gaar ahaan Bariga Dhexe, Geeska Afrika, iyo gobolka Badda Cas, iyadoo ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga iyo fahamka u dhexeeya dowladaha.
Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya waxay muujisay rajada ah in isfahankan cusub uu noqdo tallaabo horseedda nabad waarta iyo iskaashi caalami ah oo ku dhisan wada-xaajood, kalsooni, iyo ixtiraam labada dhinac ah.


