Muqdisho 22 June 2026: Ciidanka Boliiska Caasimadda, gaar ahaan Saldhigga Boliiska Garasbaaley, ayaa maalmihii u dambeeyey waday howlgallo lagu xoojinayo amniga bulshada, laguna ciribtirayo falalka anshax-xumada ah ee ku soo badanaya baraha bulshada, kuwaas oo saameyn ku yeelanaya dhaqanka suuban, qiyamka Islaamka iyo akhlaaqda wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed.
Howlgalladan oo qayb ka ah dadaallada lagu ilaalinayo nabadgelyada iyo anshaxa guud ee bulshada ayaa waxaa lagu soo qabtay laba eedaysane oo lagu tuhunsan yahay inay si joogto ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, ugu baahinayeen muuqaallo anshax-xumo ah oo ka hor imanaya dhaqanka iyo xeerarka bulshada.
Ciidanka Boliiska ayaa sheegay in eedaysanayaasha la soo qabtay loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh, si baaritaan iyo isla xisaabtan sharci ah loogu sameeyo, iyadoo la raacayo nidaamka caddaaladda iyo shuruucda dalka.
Sidoo kale, Boliiska ayaa wada baadi-goobka dhowr eedaysane oo lagu tuhunsan yahay fal dhaqan-xumo ah oo lagula kacay gabar Soomaaliyeed, kuwaas oo muuqaallo iyo falal aan habboonayn la xiriira lagu faafiyey baraha bulshada. Ciidanka ayaa bulshada u sheegay inay muhiim tahay in lala shaqeeyo hay’adaha amniga si loo soo qabto cid kasta oo ku lug leh falalka noocaas ah.
Taliyaha Boliiska Gobolka Banaadir, Macalin Mahdi Cumar Muumin, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook ku sheegay in ciidamada ammaanku ay sii wadi doonaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga, ilaalinta sharafta bulshada iyo ka hortagga wax kasta oo dhaawacaya dhaqanka iyo anshaxa shacabka Soomaaliyeed.
Maalmihii dambe magaalada Muqdisho waxaa ka jiray falcelin xooggan oo bulshada dhexdeeda ah oo ku aaddan muuqaallada anshax-xumada ah ee qaar ka mid ah dhalinyarada ku faafinayeen baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, taas oo dhalisay walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto dhalinyarada iyo jiilka soo koraya.
Ciidanka Boliiska Caasimadda ayaa bulshada xusuusiyey in baraha bulshada ay yihiin meel lagu gudbiyo xog, aqoon iyo waxyaabo waxtar leh, balse aan loo adeegsan faafinta wax kasta oo dhaawacaya akhlaaqda, karaamada qofka iyo sumcadda bulshada.
Boliisku wuxuu ugu baaqay waalidiinta, dhalinyarada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay door muuqda ka qaataan ilaalinta anshaxa, wacyigelinta dhalinyarada iyo soo gudbinta xog kasta oo gacan ka geysan karta amniga iyo xasilloonida bulshada.
Muwaadin kasta oo haya xog la xiriirta eedaysanayaasha la raadinayo ama falal la mid ah wuxuu la wadaagi karaa saldhigga Boliiska ee ugu dhow ama kala xiriiri karaa lambarka gurmadka Boliiska ee 991.
Ciidanka Boliiska Caasimadda ayaa mar kale caddeeyey inay sii wadi doonaan howlaha lagu sugayo amniga, ilaalinta shuruucda dalka iyo dhowrista qiyamka iyo dhaqanka wanaagsan ee bulshada Soomaaliyeed.


