Xananbuure 29 July 2026: Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdulahi Cumar ” Gen khaalid” oo howlo shaqo u jooga qaybo ka mid ah deegaannada Dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa dhagax-dhigay Xarunta Caafimaadka Dugsiga Tababarka Xananbuure, kaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo adeegyada caafimaad ee ciidamada ku sugan xerada.
Kadib munaasabadda dhagax-dhigga Taliyaha oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo la yeeshay saraakiisha iyo macallimiinta dugsiga intii ay kulamadu socdeen ayaa looga xog-waraystay xaaladda guud ee ciidamada, heerka tababarkooda iyo noocyada casharrada ay qaataan iyadoo diiradda la saaray tayeynta tababarka iyo sare u qaadista aqoonta ciidanka.
Gabagabadii Munaasabada Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa saraakiisha iyo macallimiinta ku wareejiyey siddeed neef oo geel ah, kuwaas oo loogu talagalay ciidamada dugsiga ku jiro , si loo xoojiyo daryeelkooda iyo dhiirrigelintooda.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo tababarka, daryeelka iyo diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.



